Xaalad Deg deg ah oo lagu soo rogay dalka Itoobiya kadib Is casilaadii Desalegn

Dalka Itoobiya ayaa lagu soo rogay xaalad deg deg ah mudo sadex bilood ah, kadib is casilaadii lama filaanka aheyd uu ku dhawaaqay Ra’isul Wasaarihii dalkaasi Haile-mariam Desalegn .

Kulan deg deg ah ay yeesheen golaha Wasiirada dalkaasi ayey ku go’aamiyeen in xaalad deg deg ah dalka lagu soo rogo mudo sadex bilood ah, warkan ayaana laga sii daayay Telefishinka iyo Idaacada dowlada.

Xaalada deg dega ah ee lagu soo rogay Itoobiya ayaa isla maantaba ka dhaqan gashay dalkaasi, waxaana magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi la geeyay ciidamo badan oo amaanka xaqiijinaya

Golaha Wasiirada Itoobiya ayaa xaaladan deg dega ah ee dalka kusoo rogeen waxa ay ku sheegeen in looga gol leeyahay sidii loo ilaalin lahaa dastuurka, nabad galyada iyo xasilloonida  Itoobiya.

Waxa sidoo kale lagu caddeeyay warka in xaaladdani deg degga ah ee la geliyay Itoobiya ay sidoo kale sababteeda laheyd qalalaasihii qowmiyadaha qaar u dhaxeeyay ee Itoobiya ka dhacay, kuwas oo sababay dhimashada dad rayid ah.

Ra’isul Wasaarihii Itoobiya ayaa shalay shaaciyay in uu is casilay, waxaana la filayaa in Ra’isul Wasaare cusub lasoo magacaabo marka Baarlamaanka dalkaasi kalfadhigooda uu furmo ayna aqbalaan is casilaada Ra’isul Wasaraha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com  

- Advertisement -