Gabar kale oo lagu la’yahay Gaalkacyo & baadi goob xooggan oo socda

Gabar kale oo magaceeda lagu sheegay Hani Maxamed Warsame oo 13 sano jir ah ayaa la sheegay in lagu weysan yahay magaalada Gaalkacyo

Sahro Waadhaho Cabdi Nuur oo ah gabadha maqan hooyadeed ayaa codsanaysaa in laga qeyb qaato Baadi goobka hani Hani Maxamed Warsame oo ay sheegtay iney maqan tahay muddo sadex cisho ah, aysana garaneyn meel ay jaan iyo cirib dhigtay.

Baraha bulshada iyo warbaahinta magaalada Gaalkacyo ayaa baafinaya gabadhan labaad ee soo shaac baxday in la weysan yahay, iyagoo dadka ugu baaqaya iney sheegaan hadii ay arkaan.

Arintan ayaa ku soo beegmaysaa xilli magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan dalka si weyn looga hadal hayo  fal-arxan daro ahoo magaaladaas loogu geystay Caasho Ilyaas Aadan oo 12 sano jir ahayd isla markaana saaka meydkeeda la soo hordhigey albaabka guriga qoyskooda.

Caasho oo la la’aa muddo 24 saac ah ayaa waxaa jirkeeda ka muuqday kufsi iyo jirdil xaad ah oo si arxan daro ah loogu geystay taasoo uurkutaalo ku noqotay qoyskeeda iyo dadka Soomaaliyeed.

Taliyaha Booliska Gobolka Mudug ee qeybta Puntland Gaashaanle Sare Axmad Cismaan Cali ayaa sheegay in baarayaashu ay caddeeyeen in Caasho jirdil iyo kufsi loo geystay, wuxuuna intaa ku daray in dadkii lagu tuhmayay in arrintaasi ay ka dambeyeen lagu raad joogo, kuwa kalena loo soo qabtay falkan foosha xun.

Waxaa kale oo taliyaha uu sheegay in haatan ay wadaan baaritaan ku aadan arrintaas kaasoo ay doonayaan in dadkii geystay falkan cadaaladda la hor keeno.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -