Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Amaro lagu soo rogay Gaadiidka isticmaala Wadooyinka Kismaayo (Daawo Sawirada)

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa laga mamnuucay in ay maraan gaadiidka aan laheyd sumada ama taarikada, waxaana dadka aan gaadiidkoodu laheyn sumada loo diray digniin adag.

Taliyaha Ciidanka ilaalada Wadooyinka  ee Magalada Kismaayo Gaanshaalle dhexe Bashiir Xiis Khaliif  ayaa soo saaray amar magaalada looga mamnuucayo in lagu dhax wato gaadiidka aan sumada laheyn.

Waxa uu sheegay taliyaha in magaalada Kismaayo aan lagu arki karin gaadiidka aan sumada laheyn, waxa uuna ugu baaqay ciidamada ilaalada wadooyinka in talaabo ka qaadaan gaadiidka aan taargada laheyn ee magaalada lagu arko.

Magaalada Kismaayo ayaa Gaadiidka laga isticmaalo qaarkood yihiin kuwa aan taargo laheyn , waxaana inta badan gaadiidka taargo la’aanta ah wata dadka u shaqeeya maamulka Jubbaland , ciidanka iyo dad kale oo diidan in la aqoonsado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Amniga oo ka hadlay wararka sheegaya in Dowlada Weerar ku tahay Saadaq Joon

Cabdi Cade

Dowlada Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay gantaal Maraykanku ka naxay (Sawirro)

Caydiid Ali

Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Axmed Madoobe oo kulmay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---