Dowlada Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay gantaal Maraykanku ka naxay (Sawirro)

Maamulka Kuuriyada Waqooyi ayaa ku dhawaaqday inay ku guulaysteen tijaabinta gantaalkeeda ugu weyn ee qaaradaha isaga kala goosha ee ICBM.

Waxay calaamad u tahay markii ugu horreysay ee waddanku uu tijaabiyo gantaalka ICBM ee Kuuriyada Waqooyi laga mamnuucay tan iyo 2017-kii.

Gantaalada ICBM waa gantaalada riddada dheer, oo awood u leh inay gaaraan Maraykanka. Kuuriyada Woqooyi waa laga mamnuucay in la tijaabiyo, waxaana hore loogu soo rogay cunaqabatayn adag si ay u joojiyaan balse hadda dib ayay u bilowday.

Khubaradu waxay qiyaaseen in haddii gantaalkii Hwasong-15, lagu ridi lahaa jihada caadiga ah, uu socon lahaa in ka badan 13,000Km taasoo ka dhigaysa inuu gaari karo meel kasta oo ka mid ah Maraykanka.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in hogaamiye Kim Jong-un uu si toos ah u hagayay tijaabada. Tallaabadan ayaa waxay sii murjinaysa joojinta dagaalka nukliyerka.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un, ayaa sheegay in gantaalka la riday Khamiistii uu ahaa mid loogu talagalay in caalamka lagu tuso awoodda ciidamada ee dalkiisu leeyahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -