Allbanaadir.com
NEWS

Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Axmed Madoobe oo kulmay (Daawo Sawirada)

Magaalada Garawe ee caasimada Dowlad Goboleedka Puntland waxaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe.

Kulanka Dhax maray Gudoomiyaha Golaha shacabka iyo Madaxweynaha Jubbaland ayaa diirada lagu saaray marxalada uu dalku marayo iyo sidii si wadajir ah looga saari lahaa loona gaarsiin lahaa jawi xasiloon.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa u sheegay Gudoomiyaha golaha Shacabka in muhiim tahay ilaalinta xasiloonida dalka loona baahan yahay in laga hortago in dalku galo khalalaase siyaasadeed iyo mid amni.

Magaalada Garawe ay ku wada sugan yihiin Madax katirsan dowlada federaalka Soomaaliya, kuwa maamul goboleedyada iyo Musharaxiinta Mucaaradka ayaa ka qeybgalaya Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha oo la filayo in Garawe ka furmo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Feysal Cali Waraabe oo shaaciyay in Somaliland qarka u saaran tahay in dagaal ka dhaco

Cabdi Cade

Faah faahino kasoo baxaya Qaraxii Muqdisho iyo Khasaaro dhimasho oo ka dhashay

Cabdi Cade

Yuusuf Dabageed iyo Xubno uu ku jiro Sanbaloolshe oo gaaray Baladweyne (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---