Dad badan oo ku Dhamaaday Dab qabsaday Dhismo Kiimiko ku keydsaneyd ( Sawirro)

Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho ee ka dhashay dab xoogan oo qabsaday dhismo dad badan kunoolaayeen oo kuyaala xaafad katirsan magaalada Dhakha ee caasimada dalka Bangaladesh.

Dabka ayaa la sheegay in uu ka kacay dhismo dhowr dabaq ka kobnaa oo ay degnaayeen dad badan, waxaana qeybta hoose dhismahaasi bakhaaro kuyaalay la sheegay in ay ku keydsaneyd kiimiko oo sababtay in ay sii kordhaan khasaaraha .

Inta la xaqiijiyay 70-qof ayaa ku dhimatay dabkan qabsaday xaafada Qadiimi ah oo kutaala magaalada Dhakha, dadka dhintay ayaana qaarkood waxaa gubay dabka dhismaha qabsaday halka kuwa kalana ay neefta ku dhagtay.

Dabkan ayaa sidoo kale baabi’iyay dhismayaal kale oo ku dhagnaa dabaqa uu dabku ka biloday, waxaana kooxaha dab damiska saacado badan ku qaadatay in ay damiyaan dabkan khasaaraha badan dhaliyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -