Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Amniga oo ka hadlay wararka sheegaya in Dowlada Weerar ku tahay Saadaq Joon

Wasiirka amniga gudaha Xukuumada Soomaaliya Xasan Xundubey oo xalay saqdii Dhaxe shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay wararka sheegaya in ciidamada dowlada weerar ku yihiin taliyihii hore ee booliiska gobolka Banaadir Saadaq Joon.

Xasan Xundubey ayaa beeniyay in dowlada qorsheesay weerar lagu qaado Saadaq Joon, waxa uuna tilmaamay hadii dowlada rabto in talaabo laga qaado Saadaq Joon ay qaadi laheyd mar hore balse hada wax qorshe ah ka laheyn.

“Arrinta ku saabsan Saadaq Cumar Xasan Taliyihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir dowladda haddii ay rabto inay tallaab ka qaado saacadihii hore ayay ka qaadi laheyd, laakiin lama qorsheyn ninkas arrintiisa in wax tallaab ah laga qaado, meesha hadda u degan yahay oo xaafado bulsho nabdoon degan yihiin ah in la weeraro wax dan ah oo ku jiro malahan”ayuu yiri Xasan Xundubey.

Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in goobta uu hada joogo Saadaq Joon ay tahay deegaan ay degan yihiin dad shacab ah , waxa uuna xusay in dowlada xiligaan raali ka aheyn in dadkaasi la barakiciyo ama korkooda dagaal ka dhaco.

Waxa uu Wasiirka digniin u diray siyaasiyiin iyo dad kale uu sheegay in ay hurinayaan colaada , waxa uuna shacabka ugu baaqay in ay ilaashadaan amaanka iyo xasiloonida ay ku heestaan caasimada.

Hadalka kasoo yeeray Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili xalay xiisad dagaal laga dareemay magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafada Shiirkole uu saldhig ka dhigtay Saadaq Joon halkaas oo la sheegay in ciidamada dowlada weerar ku yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Jeneral C/Fataax Al-Burhan oo u duulay Mareykanka iyo Ujeedka Safarkiisa oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Wasiiro katirsan Koonfur Galbeed oo xilka laga qaaday iyo kuwa cusub oo la magacaabay 

Cabdi Cade

Wasiir hore oo ku baaqay in la baaro Wada shaqeyn ka dhaxeysa Farmaajo iyo Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---