War Murtiyeed :Shirweynaha Soo-bandhigidda iyo Xaqiijinta Hannaanka Dhab-u-heshiinta Qaran (Sawirro)

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta iyo ergooyinkii
shirka ka soo qaybgalay, waxay si wayn u soo dhaweynayaan Soo-bandhigidda iyo
Xaqiijinta xogta Hannaanka Dhab-u-heshiinta Qaran (HDQ) oo hal-ku-dheggiisu ahaa
“AAN DUUGNO COLAADDA, OO NABADDA BEERNO!” oo si habsami leh u qabsoomay
intii u dhexaysay 19 ilaa 21ka February.

Laga soo bilaabo bartamihii sannadkii 2017, waxay Wasaaraddu qabatay Shirweyne
Qaran iyo wadatashiyo lala yeeshay dadka Soomaaliyeed qaybahooda kala duwan oo
lagu qabtay magaalooyinka Muqdisho, Garowe, Kismaayo, Dhusamareb, Jowhar iyo
Baydhabo. Waxa la qabtay 15 wadatashi oo ay ka soo qaybgaleen in ka badan 1400
oo qof oo kale socday qeybaha kala duwan ee bulshada iyo laamaha hayädaha
dowlada ee Qaran, Dowlad Goboleed iyo Deegaan. Sidoo kale waxa wadatashiyo lala
sameeyey khubaro Soomaaliyeed iyo hay’ado cilmi baariseed. Wadatashiyadaas
kadib, khubaradii waxay soo gudbiyeen nuqulka 1aad ee Hannaanka Dhab-uheshiinta Qaran.

Shirweynahan Qaran oo uu daah furay Gudoomiyaha Aqalka sare ee baarlamaanka
uuna soo xiray Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa lagu
soo bandhigay nuqulka 1aad ee Hannaanka Dhab-u-heshiinta qaranka waxaana
kasoo qayb galay ergo matalaysey dadka Soomaaliyeed oo ka kala yimid Dowlad
Goboleedyada, Maamulka Gobolka banaadir iyo marti-sharaf ka kala socday qaybaha
bulshada oo tiradoodu isku ahayd 350 oo xubnood si markii ugu danbaysay dadka
Soomaaliyeed loogu soo bandhigu talooyinkii laga soo uruurshay ummadda
Soomaaliyeed.

Ujeedooyinka ugu waaweyn ee shirwaynuhu waxaa ay ahaayeen:

1. In ergooyinka loo soo bandhigo nuqulka 1aad ee Hannaanka Dib-u-heshiisiinta
Qaran ayna xaqiijiyaan Hannaanka

2. In latashigii ugu dambeeyey iyo wixii talooyin iyo tusaale ah laga uruuriyo dadka
Soomaaliyeed

Si loo gaaro ujeeddooyinkaan, waxaa hab-socodka shirka wadatashiga loo agaasimay
labo qaybood oo ku astaysan yoolka Shirweynaha iyo qaybo dhextaal ahaa oo isugu
jirey suugaan iyo khudbado dhammaan kaabis u ahaa midho-dhalka shirka. Labada
qaybood oo kala ahaa:

B. In ergooyinkii Shirweynaha loo jeediyey mawduucyo aasaas u ah gaarista
Hannaan dib-u-heshiineed oo loo dhan yahay, si qoto-dheerna u qeexaya nuxurka
uu yeelan karo hannaankaasi iyo heerarkiisa kala duwan. Qaybtaan waxaa lagu
lafa-guray mawduucyada hoos ku qoran;

1. Kaalinta Odayaasha Dhaqanka ee Dhab-u-heshiinta Qaran
2. Kaalinta Culimada Soomaaliyeed ee Dhab-u-heshiinta Qaran
3. Kaalinta Haweenka Soomaaliyeed iyo Dhab-u-heshiinta Qaran
4. Kaalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhab-u-heshiinta Qaran
5. Kaalinta Qurbajoogga ee Dhab-u-heshiinta Qaran
6. Kaalinta Bulshada Rayidka ah ee Dhab-u-heshiinta Qaran
7. Muhiimadda iscafinta dadka Soomaaliyeed
8. Muhiimadda daaweynta damiirka qofka Soomaaliyeed (tiiraanyo-bixin)

Xog–ururintii Ergada Shirweynaha

Ergooyinka shirweynuhu, iyagoo ku salaynaya macluumaadkii ay xambaarsanaayeen
qaybaha tiirarka HDQ ku dhisan yahay ee loo soo jeediyey, waxaa u suurtogashay in
ay si sahlan, u fariistaan isla markaana u talooyin dhaxal-gal ah u soo jeediyaan HDQ
si loogu kordhiyo nuqulka ugu dambeeya HDQ. Si loo helo xogo dhammaystiran oo
abbaaraya macluumaadka loo baahan yahay, waxaa ergada loo qaybiyey su’aalo
hagaya una fududaynaya in talooyin dhaxal gal ah ku soo kordhiyaan HDQ.
Nuxurka Shirka Kasoo Baxay

1. In dadka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan, u diyaar-garoobaan Dhab-uheshiin run ah

2. In Hannaanka Dhab-u-heshiinta Qaran yahay mid ka turjumaya baahida iyo
waayaha dhabta ah ee dalku ku sugan yahay

3. Si Dhab-u-heshiinta waarto loo helo, laga wada raali yahay oo xanaf-tiran, waa in
la hirgeliyo Hannaanka Dhab-u-heshiinta Qaran oo ay Golaha Wasiirrada Qaranka
ansixiyaan si loo soo celsho kalsoonidii iyo walaaltinimadii dadka Soomaaliyeed
ee colaaddu kala irdhaysay

4. In la is barbar wado dhammaystirka dawladnimo iyo dhab-u-heshiisiinta bulsho,
si ay labadaasi isu kaalmeeyaan

5. In hirgelinta dhab-u-heshiisiinta iyo hogaamintiisuba ay noqdaan kuwo
Soomaaliyi iska leedahay, u madax-bannaan tahay, oo gacanta ku hayso bilaw ilaa
dhammaad

6. In maalinta is-cafiska looga dhawaaqo dalka
Baaqa Shirka

Shirku waxa uu ku baaqayaa:

1. In Dowladdu ay sida ugu dhaqsiyaha badan u meel mariso Hannaanka Dhab-uheshiinta Qaran (HDQ) si loo soo afjaro isbar-baryaaca arrimaha dib-uheshisiinta ee in ka badan 27 sano ka socday dalka

2. In dowladdu mudnaan gaar ah siiso dhaqaalena u qoondayso qorshaha la socda
Hannaanka Dhab-u-heshiinta Qaran

3. In dowladdu mudnaan gaar ah siiso deminta khilaafyada hadda taagan ee
dhiiggu ku daadanayo si hanaanka dawladnimadu u hanaqaado

4. In la taageero oo la tayeeyo hay’adaha iyo qaybaha bulshada ee u xil-saaran
deminta khilaafyada iyo mushkiladaha ergooyinka shirku xogtooda uruuriyeen

5. Shirku wuxuu ku baaqayaa in la dedejiyo istaraatiijiyada iyo qorshaha dib-uheshiisiinta, isla markaana si degdeg ah looga hawl galo colaadaha taagan ee
nabadda wax u dhimaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -