Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sacuudiga oo laga taageerayo dhismaha Warshad Nuclear ku shaqeysa

Sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay soo saareen aqalka wakiillada, dowlada Maraykanka ayaa macluumaad xasaasi ah oo ku saabsan tiknoolajiyadda quwadda korantada ee nukliyeerka la wadaagaya dalka Sacuudiga.

Guddigan aqalka uu xisbiga Dimoqraadigu hoggaamiyo ayaa billaabay baaritaan ku aadan walaaca laga qabo in Aqalka Cad uu boqortooyada Sacuudiga ka dhiso warshad quwadda korontada ka dhalisa nukliyeer.

Dadka sirtan dusiyay ayaa guddiga u sheegay in arrintaasi waxyeelayn karto Bariga Dhexe ayna siyaadinayso nukliyeer samaysashada.

Shirkado lala xiriiriyay madaxweynaha ayaa lagu soo warramayaa in ay dabada ka riixayaan wareejinta macluumaadkaas.

Dawladda Sacuudiga ayaa sheegtay in ay u baahantahay quwadda korontada ee Nukliyeerka laga dhaliyo si ay wax uga qabato baahida sii kordhaysa ee korontada, balse arintan ayaa laga cabsi qabaa iney sii kordhiso loolanka loogu jiro sameysashada nuclearka ee ka taagan bariga dhexe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Madaxda sare ee dalka oo Isbaheysi iska soo horjeeda sameesanaya iyo xaalada oo laga …

Cabdi Cade

Banaan bax goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

(Sawirro) Haween Nool oo 5 cisho ka dib laga soo saaray burburka dhulgariirka Turkiga

Caydiid Ali
Taboola Ads ---