Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Banaan bax goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada)

Waxaa goordhaw banaan bax looga soo horjeeday dil ay shalay Ciidamada AMISOM degmada Hiliwaa ugu geesteen dad shacab ah uu ka dhacay Isgooska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho.

Dadka banaan baxa dhigayay ayaa ku dhawaaqayay ereyo ay uga soo hoprjeedeen Ciidamada AMISOM oo shalay si naxariis daro ah afar qof oo shacab ah u dilay kadib qarax loo dhigay.

Banaan baxayaasha ayaa ugu baaqayay dowlada Federaalka Soomaaliya in ay qaado talaabo deg deg ah ayna cadaalada marsiiso ciidamadii AMISOM ee shalay dilay afar qof oo rayid ahaa.

Dibad baxayaasha ayaa xiray laamiga Tarabuunka waxa ayna is hortaag ku sameeyeen kolonyo gaadiid ah ay wateen ciidamada AMISOM kuwaa oo markii dambe wadada xoog ku maray kadib rasaas ay fureen.

Ciidamada AMISOM ayaa shalay magaalada Muqdisho ku dilay afar qof oo ku sugnaa agagaarka Isgooska SOS, waxaana ehelada dadka la dilay sheegeen in aan la aasi doonin marxuumiinta ilaa wax laga qabto ciidamadii dadkaasi dilay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo soo gebagebeeyey booqashadii uu ku joogay Magaalada Jubba

Caydiid Ali

Waddooyinka Muqdisho oo maanta xiran iyo ammaanka caasimadda oo si weyn loo adkeeyay

Cabdi Cade

Dowladda Kenya oo Madaxweyne Xasan kala hadashay kordhinta Jaadka la geeyo Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---