Madaxda sare ee dalka oo Isbaheysi iska soo horjeeda sameesanaya iyo xaalada oo laga …

Dalka ayaa xiligan galay xaalad siyaasadeed oo jahwareer wata, waxaana wali kala cadeyn nuuca doorasho ee dalka ka dhaceysa ,xili waqtiga u haray Baarlamaanka iyo Madaxda sare ee dalka ay bilooyin yar ka harsan yihiin.

Madaxda sare ee dalka ayaa siyaabo kala duwan u shaaciyay in dalka ka dhaceyso doorasho waliba xiliga loo qorsheesyay , hasa ahaatee madaxda ayaana wali sheegin nuuca doorasho ee dalka ka dhaceysa iyo sida looga gudbayo caqabadaha adag ee xiligan taagan.

Go’aankii Ra’isul Wasaare Kheyre ku shaaciyay in doorasho dhaceyso ayaa dhabaha u xaaray boor isku qariska Madaxtooyada oo mudo ka aamusaneyd qabsoomida doorashada, waxaana go’aanka kheyre  abuurtay xiisad siyaasadeed.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxda ugu sareysa dalka sida Madaxweynaha , Gudoonka labada aqal ee Baarlamaanka iyo Ra’isul Wasaaraha isku khilaafsan yihiin doorashada dalka ka dhaceysa iyo qaabka loo wajahayo.

Madaxda sare ayaa hada bilaabay in is kooxeesi dhaxdooda ah ay sameestaan , waxaana la sheegay in Madaxweyne Farmaajo hada isku ra’yi yihiin Gudoomiyaha golaha shacabka, Gudoomiye kuxigeenka 2-aad ee Aqalka sare iyo R/Wasaare kuxigeenka dalka .

Dhinaca kale ayaa la sheegay in aragti ahaan aad isugu dhaw yihiin Gudoomiyaha Aqalka sare, Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Gudoomiye kuxigeenka koobaad ee aqal sare, waxaana garabkan aragti ahaan kala duwan yihiin Garabka Farmaajo hogaamiyo.

Khilaafka iyo kala aragti duwanaashaha doorashada dalka iyo nuuca ay noqneyso ayaan wali si rasmi ah aysan uga wada hadlin labadan garab, hasa ahaatee wararka laga helayo ilaha ku dhaw dhaw ayaa muujinaya in kala aragti duwanaasho weyn ay jirto.

Maamul goboleedyada dalka ka jira ayaa sidoo kale la sheegay in aragti ahaan kala raacsan yihiin madaxda sare ee dalka, waxaana sadex kamid ah maamul goboleedyada soo dhaweeyeen baaqii Aqalka sare halka labo maamul kale wali warkooda la dhoorayo.

Madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre ayaa la sheegay in aragti ahaan xiligan aad u kala duwan yihiin, waxaana labada masuul isku hayaan doorashada xiliga ay dhaceyso iyo waliba nuuca ay noqon doonto.

Famaajo iyo Kheyre ayaa sidoo kale la sheegay in aysan isku raacsaneyn cida hogaamineysa xisbiga Nabad iyo nolol iyo waliba musharaxa rasmiga ah ee doorashada ku matali doono xisbiga talada dalka hada haya.

Beesha Caalamka ayaana cadaadis xoogan xiligan ku saareysa madaxtooyada Soomaaliya in wadahadal la furto maamul goboleedyada dalka si looga arinsado doorashada dhaceysa iyo waliba nuuca ay dhaceyso.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -