Wiil arday ahaa oo lagu dilay Magaalada Muqdisho iyo caro ka dhalatay

Wiil dhalinyaro ah oo la sheegay inuu arday ahaa ayaa maanta lagu dilay agagaarka isgoyska Baar Ubax oo ka tirsan degmada H/wadaag ee Magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegay in wiilka ay haleeshay rasaas ay fureen aska ka tirsan ciidamada DF ee dhowaan ka soo laabtay tababarka Eritrea.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada oo la socday Mooto bajaaj ay fureen rasaasta ka dib markii wadadu ay noqotay Jaam. si ay u furtaan jidka.

“Ujeedkooda waxaa uu ahaa iney furtaan wadada oo jaam aheyd, hase ahaatee rasaasta ay rideen oo ay hoos u dhigeen waxay haleeshay wiil arday ahaa oo la socday Mooto bajaaj halkaas ayuuna ku dhintay” ayuu yiri goob jooge halkaas ku sugnaa.

Ciidamada dilka geystay ayaana wax yar ka dib isaga baxsaday goobta, waxaana ka dib halkaas dibed bax ka dhigay shacab careysan oo kaa xumaaday dilka macno darada ah ee loo geystay wiilka dhalinyarada ah, kuwaasoo DF ka dalbanayey cadaalad.

Sidoo kale shacabkaas oo u badnaa kuwo halkaas ku ganacsada ayaa sheegay in mar kasta oo ay wadada jaam awgeed xiranto ay ciidamada DF furaan rasaas macno daro ah oo halis iyo khal khal gelisa shacabka halkaas ku sugan.

Laamaha amaanka DF ayaan illaa hadda wax war ah ka soo saarin dilkan askarta dowladu ka geysteen baar Ubax oo qeyb ka ah dilal isdaba joog ah oo mudooyinkan ciidamadu kula kacayeen bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -