Sawirka Gaarigii saakay ku qarxay magaalada Muqdisho oo la helay

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa saakay ku guuleestay in ay fashiliyaan gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la doonayay in lagu weeraro bartilmaameed kuyaala Muqdisho.

Dadka deegaanka Soona K gaar ahaan agagaarka Isbitaalka Digfeer ayaa la sheegay in laamaha amaanka ku wargaliyeen gaariga qarxay xili uu doonayay in uu ka gudbo wado caro lagu xiray, waxaana ciidamo goobta soo gaaray rasaas ku rideen gaariga qarxay.

Ciidamada amaanka ayaana dadka ka fogeeyay goobta uu yaalay gaariga qarxay, waxa uuna gaarigaasi qarxay kadib markii uu ku adkaatay in goobtaasi ka baxo maadaama laamaha amaanka ay hareereeyeen.

Qoraal lagu soo daabacay barta Twitterka ee Hay’ada NISA ayaa lagu sheegay in ciidamada amaanka fashiliyeen qarax gaari , waxaana qoraalka NISA lagu sheegay in qaraxaasi uusan khasaaro kasoo gaarin.

Qaraxa saakay ka dhacay magaakada Muqdisho ayaa ahaa mid aad u xoogan oo dhawaqa jugtiisa laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho, walina lama oga in  qaraxan khasaaro ka dhashay iyo in kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -