Shirweynaha Hannaanka Dhab-u-heshiinta Qaran oo Muqdisho ka furmay (Daawo Sawirada)

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Qaranka ayaa maanta Muqdisho ka furtay shir weyne oo loogu magac daray Shirweynaha Qaran ee Soo-bandhigidda iyo Xaqiijinta Hannaanka Dhab-u-heshiinta Qaran”.

Ujeeddada shirka ayaa ahaa in lagu soo bandhigo Hannaanka Dhab u heshiinta Qaran oo Wasaaraddu diyaarisay, kaas oo loogu talo galay in uu noqdo Siyaasadda, Istraatiijiyadda ama Hannaan habraac u noqda hawlaha Dib-u-heshiinta ee dalka ka socda.

Shirka oo saddex maalmood socondoona (19-21.2) waxaa ujeeddadiisu ahayd in Wasaaraddu soo bandhigto Hannaanka Dhab-u-heshiinta Qaran si talooyin iyo tusaalooyin loogu kordhiyo nuqulka hadda la diyaariyey. Hannaanka ayaa lagu asteeyey shan tiir oo lagu dhisi karo Dhab-u-heshiin dalka ka dhacda, kuwaas oo ah:

Tiirarka Hannaankan ayaa ah:

* Tiirka 1aad: Abuurid mustaqbal la wada leeyahay, himilo iyo hiigsi ummadeed (cusboonaysiin heshiis bulsho)

* Tiirka 2aad: In wixii dhib ahaa ee dadka Soomaaliyeed dhex maray laga heshiiyo

* Tiirka 3aad: Soo-celinta xiriirkii wanaagsanaa ee colaaddu dhaawacday, is-aaminaaddii, walaalnimadii iyo kalsoonidii dadka Soomaaliyeed dhex taallay

* Tiirka 4aad: Soo-celinta iyo adkaynta kalsoonida lagu qabo dowladnimada heerarkeeda kala duwan

* Tiirka 5aad: Kasoo-kabasho Bulshada iyo Dhaqaalaha

Kelmadda “Dhab-u-heshiin” ayaa noqotay mid aad iyo aad hadal-haynteedu u badnayd iyada oo hoosta laga xariiqay in kelmaddii “dib-u-hesiisiin” ee inta badan la isticmaalayey aanay ahayn mid ka turjumaysay nuxurka heshiiska la rabo isla markaana loo baahan yahay in aan loo baahnayn kelmaddaas. Kelmadda “dhab-u-heshiin” ayaa loo arkay in ay ka turjumayso sida dhabta ah ee ay tahay in loo heshiiyo.

Shirkaas oo ka dhacay Hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo qaybgalay dad ku siman 300 oo qof oo ka koobnaa ergooyin gobollada iyo gobolka banaadir ka yimid iyo masuuliin qaran oo ay kamid yihiin Guddoomiyaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Wasiiro ay kamid yihiin Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye iyo wasiirada Dastuurka, Ganacsiga iyo Wasiir-dowlaha Xafiiska Raysul Wasaaraha, Wasiir-Dowlada Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha, Wasiir kuxigeenka Diinta iyo Awqaafta. Waxa sidoo kale ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Guddida Dib-u-heshiisiinta, Hanti isu-celinta iyo Xaqiiqo-raadinta ee Golaha Shacabka Prof. Gaandhi iyo xildhibaanno kale oo tiro badan heer Federaal iyo wasiiro iyo xildhibaanno Dowlad Goboleedyo iyo guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir. Madaxdhaqameed ka tirsan 135 oday, guddoomiyaha guddida dib-u-heshiisiinta, ay kamid yihiin Sh. Bashiir Salaad, Sh. Soomow iyo Sh. Kenyaawi, ururrada bulshada oo ay kamid yihiin kuwa haweenka qaranka iyo gobolka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -