Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso ayaa lala beegsaday sargaal katirsan maamulka Gobolka Banaadir xili uu marayay laamiga Warshadaha gaar ahaan meel ku dhaw Ceelka Biyaha Caafi.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in qaraxa lala beegsaday gaari qooqan ah uu la socday masuul maamulka gobolka Banaadir u qaabilsan kormeerka, waxa uuna qaraxa dhacay markii uu gaariga dhaafay.

Sida aan Wararka ku helnay qaraxan miino ayaan ka dhalan wax khasaaro ah oo soo gaaray dad shacab ah iyo sidoo kale gaarigii lala eegtay, waxaana goobta qaraxu ka dhacay gaaray ciidamo katirsan booliiska oo baaritaano goobtaasi ka sameeyay.

Qaraxyada miino ee lagu aaso hareeraha wadooyinka ayaa mararka qaar ka dhaca magaalada Muqdisho, qaraxyadan ayaana inta badan lala eegtaa gaadiidka ciidanka iyo kuwa ay la socdaan masuuliyiinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -