Abaabulka Banaan bax ka dhan ah Madaxweynaha cusub ee Galmudug oo socda 

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo abaabulka banaan baxyo ka dhan ah Madaxweynaha cusub ee Maamulka Galmudug Axmed Qoor Qoor.

Banaan baxa ayaa lagu soo waramayaa in abaabulayaan kooxda Ahlu Sunna uu Hogaamiyo Macalin Maxamuud, waxa ayna kooxdan oo hada awoodii ay lahaayeen ay yaraatay wadaan abaabulka banaan baxyo looga soo horjeedo hogaanka cusub ee Galmudug.

Ciidamada amaanka ee ku sugan magaalada Dhuusomareeb ayaa shalay oo jimco aheyd fashiliyay banaan baxyo la qorsheenayay in magaaladaasi laga dhigo, waxa ayna ciidamada xireen wadooyinka iyagoona hakad galiyay dhaq dhaqaaqa dadka.

Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusomareeb ayaa sheegaya in kooxda Ahlu sunna wali wado abaabulka banaan baxyo looga soo horjeedo maamulka cusub ee Galmudug iyo dowlada federaalka Soomaaliya.

Magaalada Dhuusomareeb waxaa hada gacanta ku haya amaankeeda ciidamo amar qaata dowada federaalka Soomaaliya, kooxda Ahlu Sunna ayaana magaalada Dhuusomareeb kaga sugan xerada Inji ay degan yihiin Hogaanka kooxdaasi.

Shacabka kunool magaalada Dhuusomareeb ayaa intooda badan aad u taageersan mamaulka cusub ee Galmudug iyo dowlada federaalka, waxaa sidoo kale magaalada jooga dad iyana taageeran kooxda Ahlu Sunna uu hogaamiyo Macalin Maxamuud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -