Golaha Badbaadaba Hirshabelle oo u Mahad celiyay Madaxda Dowlada Federaalka iyo …

Gudiga Fulinta Golaha Badbaadaba Hirshabeelle, oo shir isugu yimid, uuna shir
gudoominayay Mudane C/qaadir Maxamed Cusmaan (Barnaamij) ayaa u mahad-naqay
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha
Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, iyo Amiirka Dalka Qatar Amiir Tamiim bin Xamad Aala
Thaani.

Mahadnaqaas oo ku aadan dhagax dhiga waddada Isku xirta Jowhar caasimada
Maamul Goboleedka Hirshabeelle iyo Muqdisho caasimada Soomaaliya.

1. Golaha Badbaadada Hirshabeelle, wuxuu u mahad naqayaa Madaxweynaha
Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo, Ra’iisul
Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, Wasiirada, iyo Howladeenada kale ee
ka miro dhaliyay in la bilaabo “Mashruuca Dhisida Waddada Jowhar-Muqdisho Afgooye”

2. Golahu, wuxuu sidoo kale u mahad-naqayaa Dowlad Qatar ee walaalaha aynu nahay
iyo Amiirkeeda; Amiir Tamiim Bin Xamad Aala Thaani oo maal gelinaya “Mashruuca
Dhisida Waddada Jowhar-Muqdisho-Afgooye”

3. Golahu wuxuu u arkaa Mashruucan in saameyn weyn oo dhaqaale uu ku yeelan doono
kumaanaan qoysaska beeralayda iyo xoolaleeyda ee Maamul Goboleedka Hirshabeelle iyo
Maamul Goboleedka Koofur Galbeed, kaasoo ku xiri doona “Suuqa Caasimada
Muqdisho.

4. Golaha Badbaadada Hirashabeelle sidoo kale isagoo dareensan muhiimadda mashruucan
wuxuu ka codsanayaa Dowladda Qatar iyo dalalka aan saaxiibada nahay in la sii balaariyo
ilaa laga gaarsiiyo Kismaayo ilaa Hargeysa, kaasoo noqon doono mashruuca
Istiraatijiyadeed oo Qaran, saldhigna u noqon doona Midnimada Soomaaliya iyo
horumar dadka iyo Dalka.

Dhamaad

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -