Ganacsato Soomaaliyeed oo shaacisay in ay joojiyeen Jaadkii ay Kenya ka keeni jireen

Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ka keena Jaadka Miirowga oo maanta Warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in ay si KMG ah u joojiyeen Jaadkii ganacsi ahaanta Kenya uga keeni jireen.

Qaar kamid ah ganacsatadan oo maanta Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in jaadka maanta soo degay uu noqonayo kii ugu dambeeyay ee Kenya ka keenaan ilaa xal laga gaarayo.

Qooje Maxamuud Wehliye oo ah Gudoomiyaha Jaadleyda ayaa sheegay in ay go’aansadeen in ay joojiyaan Jaadkii ay Kenya ka keeni jireen si ay ula saftaan una muujiyaan in ay la jiraan dowladooda.

Waxa uu sheegay inĀ  Kenya Jaadka laga keeno dalkeeda ay ka faa’iidi jireen dhaqaalo badan balse bulshada Soomaaliyeed dhib badan ku qabtay, waxa uuna xusay in ay joojiyeenĀ  Jaadkii Kenya kala imaan jireen.

Ganacsatada Jaadka dalka Kenya ayaa horey u shaaciyay dhankooda in ay joojinayaan jaadka ay Soomaaliya u iibgeeyaan si ay garab istaag ugu muujiyaan dowladooda, waxa ayna xuseen in aan marnaba Soomaaliya ugu hanjabi karin in jaadka joojinayaan.

Xiisada Siyaasadeed ee ka dhax aloosan Soomaaliya iyo Kenya ayaa hada u muuqda mid sii xoogeesanaya oo saameyn ku yeelanayan ganacsiga labada wadan, waxaana go’aankan ganacsatada Soomaaliyeed hadii uu dhab noqdo saameyn ku yeelaneysa dowlada Kenya oo dhaqaalo badan ka hesha Jaadka Soomaaliya loo iib keeno.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -