Xukuumada Soomaaliya oo loogu baaqay in dalka ka saarto ciidamada Kenya

Xiriirka u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa meel xun gaaray , waxa ayna arintan keentay in Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada labada dal ay siyaabo kala duwan uga hadlaan xiisada siyaasadeed ee taagan.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka tirsan golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay Xukuumada Soomaaliya in dadaal badan ku bixiso sidii dalka looga saari lahaa ciidanka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in muhiim tahay in dalka laga saaro ciidanka Kenya ee jooga Soomaaliya maadama xaalka uu hada meel xun gaaray, waxa uuna xusay in arintan muhiim tahay in loo maro sharciyada Caalamiga ah.

Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in dowlad Cadow nagu tilmaantay in ay khalad tahay in ciidankeeda ay dalka kusii jiraan ,waxa uuna cadeeyay in aysan aamini karin in dalka ay sii joogaan ciidan dalkiisaba uu cadaw kaa dhiganayo.

“Dal marka uu kugu tilmaamo Cadaw, waxaa ka sugtaa waa inuu kuugu soo duulaa, marka inta uu nagu soo duulin ciidankiisa ayaaba AMISOM ahaan u joogee hanalaga saaro, markaas kaddib aan isla qaadano talaabada xigta” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Hadalka Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa kusoo aadaya xili ay cirka sii galeyso xiisada siyaasadeed ee ka dhax aloosan dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, waxaana xiisadan laga cabsi qabaa in sii xoogeesato hadii aan xal Diblumaasiyadeed oo deg deg ah laga gaarin.

 

- Advertisement -