Cali Jeyte oo abaalmarin siiyey askar howlgal ku dishay xubno ka tirsan Al-shabaab (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa goob fagaaro ah abaal marin lacageed dhan 10,000$ (Toban kun) oo dollar ku guddoonsiiyey askartii fulisey Howlgalkii qorsheysnaa ee lagu dilay labo xubnood oo ka tirsan Al-shabaab kuwaasoo la soo bandhigay baabuur iyo qoryo ay wateen.

Cali Jeyte ayaa sheegay in abaal marintan uu bixiyey isagoo fulinaaya balan qaadkii ahaa in askarigii ama qofkii soo dilo xubin ka mid ah Al-shabaab uu siinayo abaal marin lacageed.

Waxaa uu ugu baaqay in cid walba oo ugaarsato saraakiisha iyo xubnaha kale ee Al-shabaab ay heli doonto abaal marintan oo kale isagoo bogaadiyey Askartii fulisey Howlgalkaas oo uu xusay iney yihiin geesiyaal iyo wadaniyiin.

Waxaa goobta abaal marintan lagu bixinayey Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir Maxamed oo ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya iyo Xildhibaano Ka tirsan Dowlad Gobaleedka Hirshabelle.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane cali jeeyte Cismaan ayaa dhowaan balanqaadyo kala duwan u sameeyey Ciidamada DF iyo kuwa degaanka, isagoo xusay in qofkii soo dilo afhayeenka Al-shabaab Cali dheere u abaal Marin u heli doono $25,000 kun dollar, (labaatan iyo shan kun oo doolar).

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Qofkii soo dilo sarkaal ka tirsan Al-shabaab uu Heli doono $10,000 kun oo doolar Qofkii Dila dagaalyahan Al-shabaab ahna uu heli Doono Abaal Marin dhan $5,000 oo dollar.

Askarta abaalmarinta la gudoonsiiyey ayaa dhowaan ku dilay meel ku dhow degaanka Moqokori  labo sarkaal oo al-shabaab u qaabilsanaa ururinta xoolaha ay ugu yeeraan sakawaatka, iyagoo sidoo kalena ka furtay hub iyo gaari ay wateen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -