Maxaa ka jira in Maxamed Bin Salman uu Iibsanayo Kooxda Manchester United?

Mudooyinkii dambe Warbaahinta Caalamka kuwooda ugu afka dheer ayaa qorayay warar sheegaya in Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salman uu iibsanayo kooxda kubada cagta ee Manchester United.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa markii ugu horeesay ka hadashay wararkan ay Warbaahinta baahiyeen ee ku aadan in Dhaxal Sugaha Sacuudiga uu iibsanayo Kooxda kubada cagta ee Manchester United ee ka dheesha Horyaalka Ingiriiska.

Wasiirka warfaafinta ee Sacuudiga Turki al-Shabanah ayaa sheegay in warkan la baahiyay uusan aheyn mid jira, waxa uuna xusay in Dhaxal Sugaha uusan qorshaha ugu jirin in uu iibsadao kooxda kubada cagta ee Man United.

Waxa uu sheegay Wasiirka in Dhaxal Suge Maxamed Bin Salmaan  uu kaliya kulan lala yeeshay hay’ad Sacuudiga laga leeyahay oo wax maalgalisa, waxa uuna xusay in uu kala hadlay sidii kooxda dhaqaale loogu maalgashan lahaa.

“Wararka ku saabsan in Maxamed Bin Salmaan uu iibsanayo kooxdaas waa kuwo ‘gabi ahaanba been abuur ah’ oo aanay walba ka jirin, Manchester United mas’uuliyiinteeda ayaa la kulmay hay’adda PIF Saudi, si ay ugala hadlaan fursad maalgalin ah, mana jirin wax heshiis kala gadasho ah oo lasoo hadal qaaday” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Sacuudiga.

Warbaahinta Ingiriiska kuwooda ugu caansan ayaa dhawaan qoray in dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga uu damacsan yahay inuu kooxda Manchester United ku iibsado adduun lacageed oo gaaraya $4.9 bilyan oo doolar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -