Allbanaadir.com
NEWS

Shirkadda Spectrum oo War kasoo saartay Cabashada Kenya iyo Sahanka Shidaalka Somalia

Shirkada Sahmisay shidaalka Soomaaliya ee Spectrum ayaa war kasoo saartay cabashada kasoo yeertay dowlada Kenya ee ku aadan in shirkii London lagu iib geeyay Xirmooyin kamid ah shidaalka Soomaaliya .

Warka kasoo baxay shirkada Spectrum ayaa lagu sheegay in aan marnaba lagu xaraashin xirmooyin la sahmiyay ee shidaalka Soomaaliya, waxa ayna shirkada sheegtay in kaliya lasoo bandhigay xogta shidaalka Soomaaliya.

Waxa ay shirkada Spectrum sheegtay dhulka xogtiisa lagu soo bandhigay shidaalka Soomaaliya uu yahay dhul ay Soomaaliya leedahay balse aysan ku jirin dhul badeedka ay ku muran san yihiin Soomaaliya iyo Kenya.

Shirkada Spectrum ayaa soo bandhigtay qariidada ama mapka muujinaya dhul badeedka sahanka laga sameeyay, waxa ayna shirkada cadeysay in aysan sahanka ku jirin dhul badeedka lagu muran san yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Weerarkii Al Shabaab ku qaadeen Wisil iyo Khasaaraha ka dhashay

Cabdi Cade

Maraykanka oo shaaciyey inuu duqeyn ku dilay hogaamiyeyaal ka tirsan Al-Shabaab

Caydiid Ali

Siyaasi Digniin u diray Madaxda Dowlada Federaalka xili xiisad Siyaasadeed ay jirto

Cabdi Cade
Taboola Ads ---