Siyaasi Digniin u diray Madaxda Dowlada Federaalka xili xiisad Siyaasadeed ay jirto

Siyaasiga Cabdiraxmaan Yuusuf Raabi ayaa Madaxda dowlada federaalka Soomaaliya uga digay in khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamulada qaar uu keeno gacan ka hadal.

Qoraal uu siyaasigan soo gaarsiiyay Shabakada Allbanaadir ayuu kaga digay Madaxda dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamulada qaar khilaafka siyaasadeed ee ka dhax jira uu faraha ka baxo uuna keeno dagaal.

Halkan ka Akhriso Qoraalka arintan uga hadlay Siyaasi Raabi

DIGNIIN : KUSOCOTA MADAXDA SOOMAALIYA

Waxaan halkan DIGNIIN oga dirayaa MADAXDA SOOMAALIYA heer federaal iyo heer dowlad goboleed intaba, waxaana oga digayaa khilaafka iyo is qab qabsiga dabo dheeraaday inuu keeno arrimahan hoos ku xusan :

1. Gacan ka hadal dhex mara dowlada federaalka Soomaaliya iyo dowlada goboleedyada qaar ka mid ah

2. SOOMAALIYA waxaa ka jiri jiray faro galin Siyaasadeed oo oga iman jiray wadamada danaha ka leh oo dhan faragalintaas on ka caban jirnay in muddo ah

3. Waxaan hada muuqata in SOOMAALIYA ay noqon rabto garoon lagu dagaalamo oo dowlado shisheeye ku dagaalamaan ayagoo kala taageeraya garabo iska soo horjeeda sida maanta ka jirta :

A. Libya B. Yemen C.Syria D. Iraq wadamo kale.

Dhammaan wadamada kor ku xusan waxay ahaayeen wadamo dagan siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan laakiin khilaafka madaxdooda ayaa saas u galay .

Madaxda Soomaaliya waxaan kula talinayaa arrimahan :

1. In ay ilaaliyaan danta guud iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed

2. In lagu dhaqmo xeerarka dalka u yaala laguna kala danbeeyo

3. In Madaxda Soomaaliya iska daayaan kooxeysiga iyo nin jecleysiga

4. In la ilaaliyo madax bannaanida Siyaasadeed ee dalka

5. In an dalka la keenin ciidamo shisheeye oo hor leh ona aheyn kuwa ku jooga magaca AMISOM

6. In si deg deg ah lagu xaliyo khilaafaadka iyo is mari waaga jira ayadoo la fiirinayo danta dalka .

7. Waxaan ogu baaqayaa madaxda Soomaaliya in ayna dalka u gacan galinin wadamo shisheeye ayagoo fiirsanaya kuraastooda iyo damacooda Siyaasadeed oo kaliya. SOOMAALIYA HA NOOLAATO

W/Q C/raxmaan Yuusuf A. Raabi

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -