Maraykanka oo shaaciyey inuu duqeyn ku dilay hogaamiyeyaal ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay iney 7-dii bishan oo shalay ku beegneyd ay duqeyn ka fuliyeen degaan lagu magacaabo Saax-weyne oo ka tirsan gobolka Bay.

Taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika AFRICOM ayaa sheegay in qiimeyn horudhac ah ay muujienyso in duqeynta lagu dilay shan xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

AFRICOM ayaa intaas ku dartay in ragga la dilay ay ku jiraan hoggaamiyeyaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasoo bartilmaameedku ahaa inkastoo aysan magacyadooda shaacin.

“Illaa hadda ma jiraan dad shacab ah oo la ogyahay iney duqeyntaas waxyeelo kasoo gaartay” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay AFRICOM.

“Hoggaamiyeyaal ka tirsan Al-Shabaab oo la yaqaan ayaa weerarkan lala beegsaday kuwaasoo fududeeyey maalgelinta, hubka qaraxyada. Midkood wuxuu ku lug lahaa weerar horey loogu qaaday ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaaliya,” ayuu yiri Gen. Dagvin Anderson oo ka tirsan AFRICOM oo intaas ku daray iney sii wadi doonaan weerarada ay ku hayaan wax uu ugu yeeray kooxaha argagaxisada ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -