Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa oo lagu soo dhoweeyey Bujumbura (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Burundi, waxaana garoonka dayuuradaha magaalada Bujumbuura uu ku soo dhaweeyay dhiggiisa dalkaas Pierre Nkurunziza.

Wafdiga Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ayaa kulamo lagu lafo-gurayo adkaynta wada shaqaynta ka dhexaysa labada dal iyo danaha ay wadaagaan waxa ay la yeelan doonaan dhiggooda dalka Burundi.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka goā€™an dib u xoojinta xiriirka ay la leedahay dalalka Afrika, si ay isaga kaashadaan dhibaatooyinka iyo caqabadaha ay wadaagaan, isuna weydaarsadaan khibradda muhiimka u ah horumarka iyo dowlad-dhiska.

Burundi waxay ka mid tahay waddamada dadaalka ku bixiya nabadaynta iyo xasilinta Soomaaliya, waxaana ciidankoodu qayb ka yahay Ciidamada Nabad Ilaalinta ee AMISOM.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -