Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Qarax goor dhow ka dhacay Baydhabo iyo faahfaahino ka soo baxaya

Qarax ayaa goor dhow oo fiidnimadii caawa ah waxaa uu ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay kaasoo daryankiisa laga maqlay qeybo ka mid ah magaaladaas.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan uu yimid ka dib markii bam gacmeed lagu tuuray dhisme ku yaalla agagaarka Isbitaalka Baydhabo sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah.

Ciidamada amaanka ayaa gaaray dhismaha bamka lagu weeraray oo wararka qaarkood ay sheegayaan iney degenaan jirtay heyadda MSF, balse ay hadda ay ku nool yihiin dad shacab ah.

Lama soo sheegin khasaare nafeed oo ka dhashay weerarkan, balse ciidamada amaanka ayaa goobtaas ka wada baaritaano kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Culumaa’udiin Dibadda ka yimid oo kulan soo dhaweyn ah loogu sameeyay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Caawa Gaaray Kampala iyo Ujeedka Safarkiisa oo la shaaciyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Faahfaahin: Qarax lagu dilay shaqaale ka tirsan Hormuud oo Muqdisho ka dhacay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---