Hogaamiye caan ah oo lagu soo oogayo dembi culus oo ah inuu laaluush qaatay

Booliska Israa’iil ayaa sheegay inay tahay in Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu lagu soo oogo eedo ah inuu laaluush qaatay.

Bayaan ka soo baxay booliska ayaa lagu sheegay in la hayo caddeymo ku filan oo lagu dacweyn karo Mr. Netanyahu taasoo ah inuu laaluush qaatay, uu misana ku lug lahaa wax isdaba marin iyo weliba inuu amaanada ku jabiyay laba kiis oo kala duwan.

Isagoo ka hadlayay taleefishinka Israa’iil, ayuu Mr Netanyahu waxa uu sheegay in eedahaasi ay yihiin kuwo aan sal lahayn, waxa uu sheegay inuu shaqadiisa ra’iisul wasaarenimo uu sii wadan doono.

kiiskan ayaa qeyb ka mid ah waxa uu salka ku hayaa eed ah in Mr Netanyahu uu waydiistay qof daabaca wargeyska Israa’iil ee Yediot Aharonot, inuu war wanaagsan isaga ka qoro taa badelkeedana uu gacan ka siiyo sidii loo xadidi lahaa wargeys uu xifaaltan adag kala dhaxeeyo.

Booliska ayaa sheegay in tifaftiraha wargeyska Yediot Aharonot, Arnon Mozes, ay isna tahay in dacwad lagu soo oogo.

Eedda labaad ayaa ah mid Netahyahu daba socotay tan iyo 2009 iyadoo lagu eedaynayo inuu lacag ka badan $100,000 ka helay ninka filimaanta Hollywoodka ka taajiray ee Arnon Milchan iyo taageerayaal kale.

Wargeyska The Jerusalem Post ayaa sheegay in hadiyadaha la siiyay Ra’iisul Wasaaraha ay ka mid yihiin khamriga champagne iyo sigaar, waxaana loo siiyay inuu Mr Milchan ka caawiyo sidii uu ku heli lahaa dal ku gal uu ku tego waddanka Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -