Allbanaadir.com
NEWS

Masuul katirsan Dowlada oo caawa lagu dhaawacay Meel ku dhaw Madaxtooyada Somalia

Ciidamo ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ayaa caawa rasaas ku furay gaari uu watay Agaasimaha Waaxda Xiriirka Gobolada ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga C/llaahi C/kariin Maxamed Xiirey.

Sida aan Wararka ku heleyno Agaasimaha ayaa marayay meel ku dhaw xarunta Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan albaabka Beerta Nabada markii rasaasta lagu furayay, waxaana Agaasimaha soo gaaray dhaawac .

Dhaawaca  Agaasimaha ayaa la geeyay Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho , lamana oga waxa keenay rasaasta ay ku fureen ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya Masuulkan dowlada katirsan.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa bar ay ku leedahay Facebook kusoo qortay in uu dhaawacmay Agaasime waaxeed katirsan Wasaaradeeda, waxa ayna ilaah uga barisay in caafimaad deg deg ah siiyo.

Dowlada Soomaaliya ayaan wali wax war ah kasoo saarin dhaawaca caawa loo geestay Masuulkan dowlada katirsan, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in ciidamada ka shakiyeen gaariga uu watay masuulkan la dhaawacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tirada ciidamada Ruushku u diyaariyey duulaanka Ukraine oo la ogaaday

Caydiid Ali

(Sawirro) Madaxweyne Deni oo bilad sharaf gudoonsiiyey danjire Catriona Laing

Caydiid Ali

Ciidamo Gadoodsan oo la wareegay xarun Wasaaradeed iyo Masuuliyiin ku go’doonsan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---