Nabadoon lagu dilay Magaalada Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Xaafad ka tirsan degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho waxaa galabta xiligii qorax dhaca lagu dilay Nabadoon caan ah oo ka tirsanaa dadka degaanka.

Marxuum Nabadoon Xuseen Xaayow Xalane ayaa waxaa rasaas ku furay rag bastoolado ku hubeysan oo weerar ku soo qaaday sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah.

Kooxihii dilka fuliyey ayaa goobta ka baxsaday, iyadoo marxuumkana uu isla goobta ku geeriyooday.

Marxuum Nabadoon Xuseen Xaayow Xalane oo ka mid ahaa waxgaradka ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa ahaa nin afgaaban oo cibaado badan sida ay sheegeen dadka aqoonta u leh.

Ma jirto cid sheegatay dilka nabadoonka inkastoo dilalka noocan ah looga bartay kooxda Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowlada Somalia iyo ciidamada shisheeye ee taageeraya.

- Advertisement -