Ururka haweenka gobolka Sh/dhexe oo labo garab u kala jabay (Daawo Sawirada)

Ururka haweenka gobolka Sh/dhexe ayaa khilaaf soo kala dhex galay awgeed u kala jabay labo garab iyadoo haatan labo guddoomiye uu yeeshay ururka haweenka gobolka Sh/dhexe.

Mid ka mid ah guddoomiyaha labada garab ee ururka haweenka gobolka Sh/dhexe Marwo Maryan Muxumed Kuulow ayaa maanta kulan ay ku qabatay magaalada Jowhar waxa ay ku sheegtay inay tahay guddoomiyaha sharciga ah ee ururka Haweenka gobolka Sh/dhexe.

Qaar kamid ah xubnaha ururkan ayaa sheegay inay taageersan yihiin Marwo Maryan Kuulow maadaama ay hore u ahayd guddoomiye ku xigeenka ururka haweenka.

“Guddoomiyihii hore ee ururka haweenka maadaama ay ka mid noqotay golaha wasiirada Hirshabelle waxaa bedelaya ku xigeenkeeda oo ah Maryan Muxumad Kuulow.”ayay tiri Xabiibo Maxamed Maddow oo ka mid ahayd haweenkii ka qeybgalay kulankan.

Maryan Muxumad Kuulow oo kulankan ka hadashay ayaa tiri: “Ma jiro xil la kala dhaxlo ama la isku wareejiyo balse si nadaam ah ayaa la isugu kala bedelaa xilalka.”

Dhowaan kulan ka dhacay magaalada Jowhar ayaa waxaa loogu doortay guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Madiino Colow Caddow hase yeeshee garabka ay hogaamiso  Maryan Muxumad Kuulow ayaa ku tilmaamay doorashadaas mid sharci darro ah.

Khilaafka ka dhex jira ururada haweenka gobolka Sh/dhexe ayaa gaaray heerkiisii ugu sareeyay iyadoo aysan jirin xilligan wasaarad haweenka u gaar ah oo ay leedahay dowlad goboleedka Hirshabelle. Mana jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Sh/dhexe oo ku aadan ishaysadka ururka Haweenka gobolka Sh/dhexe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -