Allbanaadir.com
NEWS

Itoobiya oo ka walaacsan ciidanka Masar ee ka tirsan AUSSOM

Taliyaha guud ee ciidamada difaaca Itoobiya, Marshal Berhanu Jula, ayaa si dadban walaac uga muujiyay Ciidamada Masaarida ee ka tirsan Howlgalka AUSSOM ee la keenayo gudaha Soomaaliya.

Inkasta oo Berhanu Jula uusan si toos ah u magacaabin Masar, hadalkiisa waxaa loo fasiray inuu si cad u durayo iskaashiga cusub ee difaaca ee u dhexeeya Masar iyo Soomaaliya.

Berhanu Jula waxaa uu sheegay in qaar ka mid ah ciidamada la keenayo Somalia oo uu ula jeedo Masar ay uga sii dari karaan xaalada geeska Afrika

Bishii Agoosto 2024, Soomaaliya iyo Masar ayaa kala saxiixday heshiis difaac oo u oggolaanaya Masar inay Soomaaliya ka dejiso ilaa 10,000 oo askari.

Qayb kamid ah ciidamadaas ayaa ku biiri doona howlgalka Midowga Afrika (AUSSOM), halka inta kale si toos ah uga amar qaadan doonaan Masar. Heshiiska waxa kale oo uu dhigaya in qalab iyo tababarro ciidan la is dhaafsan karo.

Related posts

Jadwalka Doorashada kuraas ka banaan BFS oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Madaxweyne Trump oo looga digay inuusan ku dhicin dabin ay Israel u dhigeyso

Cabdi Cade

Xaaladda Jubbaland oo weji cusub yeelatay kadib markii Beesha Caalamku shaacisay..

admin
Taboola Ads ---