Allbanaadir.com
NEWS

Iran oo ka baxday heshiisyadii Hay’ada Atomikada ee IAEA

Dowladda IRAN ayaa si rasmi ah uga baxday dhammaan heshiisyadii iyo wada-shaqeyntii kala dhaxaysay Hay’adda Atoomikada Caalamiga ah ee IAEA, iyadoo baarlamaanka dalkaasi si aqlabiyad leh u ansixiyey codsi kasoo baxay xukuumadda Tehran.

Go’aankan lama filaanka ah ayaa dhirbaaxo culus ku ah dedaalladii caalamiga ahaa ee lagu xakameynayey barnaamijka nukliyeerka IRAN, waxayna u muuqataa in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN ay cagta saartay waddo cusub oo aan lala wadaagin beesha caalamka, taas oo walaac xooggan ku abuurtay quwadaha reer galbeedka.

Xukuumadda IRAN ayaa sheegtay in Hay’adda IAEA ay jebisay dhexdhexaadnimadii looga baahnaa, isla markaana ay u adeegayso danaha quwadaha reer galbeedka, gaar ahaan Mareykanka iyo Israa’iil.

Sidoo kale, dowladda IRAN waxay ku eedeysay IAEA inay faafisay xog sir ah oo la xiriirta xarumaha cilmi-baarista nukliyeerka ee dalkaas.

Tallaabadan, waxay noqon doontaa isbeddel istaraatiji ah oo weyn, iyadoo Iran si rasmi ah uga baxayso heshiis ay ku ballanqaaday inaanay samaysan doonin hub nukliyeer, taasoo sidoo kale meesha ka saaraysa oggolaanshihii Iran ee lagu kormeerayay barnaamijkeeda nukliyerka.

Waxay muujinaysaa dareen caro iyo cadaadis siyaasadeed oo sii xoogeysanaya, xilli Iran ay wajahayso weerarrada Israa’iil oo taageerro ka helaysa Mareykanka.

Waxaa laga cabsi qabaa in Iran ay u aragto in heshiisyada caalamiga ah aysan wax dan ah ugu jirin, taasoo u gogol xaareysa barnaamij nukliyeer oo hub milatari inay u beddesho taasoo Haddii ay dhacdo, i weyn u kordhin doonta xiisadda caalamiga ah, markaasoo ah xilliga kaliya ee la filayo  in Iran ay si xor ah u horumariso hubkeeda nukliyeer.

Related posts

Kenya oo dooneysa in dib loo soo celiyo xiriirka kala dhaxeeya Dowlada Somalia (Sawirro)

admin

Nin Dhallinyaro oo si joogto ah u Daryeela Xayawaanka Yeyda ! (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Madaxweyne Farmaajo oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Sacuudiga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---