Haweeney Sheegtay in 100-kun Dollar uu ka cunay Mas iyo Dad badan oo Layaab ku noqotay 

Haweeney ka tirsan wasaaradda waxbarashada dalka Nageria ayaa shaqo joojin lagu sameeyay kadib markii ay sheegtay lacag 100-kun oo Dollar ah oo Wasaarada laheyd uu mas cunay.

Philomena Chieshe oo ka shaqeynaysay xafiiska guddiga imtixaanaadka Nageria qeybta lacag qabashada ayaa waxaa ku socda baaritaan , kadib markii la waayay lacag 100-kun Dollar oo ay heysay.

Haweeneydan waxaa ku socda baaritaan ku aadan sheegashada lacagtan maska cunay, waxaana jira tuhun la xariira in haweeneydan ay lacagta isticmaashay ayna tahay mar marsiiyo in lacagta mas cunay.

Sheekada Haweeneyday ee ku aadan lacagta maska cunay ayaa si weyn looga hadal hayaa Warbaahinta iyo baraha bulshada dalka Nageria, waxa ayna dad badan layaab ku tilmaameen sheekadaasi.

Qoraalo lasoo dhigay Baraha bulshada ayaa dadka qaarkood ku tilmaameen wax aan suurto gal aheyn in mas cuno lacag dhan 100-kun oo Dollar, waxa ayna dadka qaarkood ku tilmaameen sheeko jiliin ah.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -