Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xogta kulan Aadan Madoobe la qaatay Charles Mballa loo soo Magacaabay Somalia

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka cusub ee UNHCR ee Soomaaliya Mudane Charles Mballa.

Kulanka Gudoomiyaha iyo Wakiilka UNHCR ayaa ku saabsanaa isbarasho iyo is xog-wareeysi maadaama wakiilka dhowaan la soo magacabay.

Mudane Charles ayaa ka mahadceliyay ansixinta Hindise Sharciyeedka Qaxootiga Soomaliya oo Baarlamaanka meel mariyay, kaas oo muhiim u ah dalka iyo guud ahaan qaxootiga iyo barakacayaasha.

Wakiilka cusub ee UNHCR u qaabilsan Soomaaliya Mudane Charles Mballa ayaa dhinaca kale balan-qaaday iney ka qaban doonaan xaaladaha qaxootiga iyo barakacayaasha ee ka jira gudaha dalka.

Related posts

Muxuu RW Xamse kala hadlay Safiirka Qatar?

Caydiid Ali

Xarakada Al-Shabaab oo ka jawaabtay hadal ka soo yeeray dowlada Itoobiya

Caydiid Ali

Raisul wasaaraha Somalia oo tababar u soo xiray ciidamo cusub oo ku biiraya Booliska (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---