Wakaalada wararka Tasniim ee Iran kasoo baxdo taasoo xiganeyso afhayeen u hadlayay ciidanka ilaalada kacaanka Iran ayaa haatan sheegtay in gantaalada xiga ee Iran adeegsan doonto ay noqon doonaan sawaariikhda Hypersonic kuwaasoo xawaare ahaan 5 jibaar ka dheereeyo xawaaraha codka (Mach5), taasoona ka dhigeyso iney adagtahay in la qabto ama laga hortago gantaaladaan.
Xawaarahaan lixaadka leh ee ay leeyihiin gantaalada Hypersonic-ga waxaa usii dheer qaraxooda oo aad u weyn, ayagoona xambaari karo madaxyo culeyskooda kabadanyahay 2 tan (2000kg) oo walxaha qarxa.
Dhinaca kale, Cutub ka tirsan Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC), oo lagu magacaabo Ansar al-Mahdi Corp, ayaa shaaciyay in weerar Isael ka fulisay gobolka Zanjan lagu dilay taliye sare iyo askari ka tirsan Ciidankaas.
Sida ay baahisay wakaaladda wararka Tasnim, oo xiriir la leh IRGC, dadka la dilay waa: Reza Najafi – Taliye ka tirsan ciidanka ilaalada kacaanka ee degmada Ijrud, gobolka Zanjan iyo Hassan Rasouli oo ah Askari.
Weerarkan ayaa qeyb ka ah weerarro ballaaran oo Isael ku qaaday gudaha Iiraan tan iyo Jimcihii, kuwaasoo sababay dhimashada in ka badan 220 qof, oo ay ku jiraan mas’uuliyiin milatari, saynisyahanno, dumar iyo carruur.
Weerarrada ayaa sare u qaaday xiisadda gobolka, iyadoo ay sii kordhayaan khasaaraha rayidka ah iyo kuwa ciidanba.