Haween dembi argagIxiso loo soo taagay Maxkamad oo ku kacay fal shaki abuuray

Labo haween ah oo lagu soo eedeeyey dacwad la xiriirta argagixisanimo ayaa xabsiga la dhigay intii ay socotay Maxkamadeyntooda Magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Eedeysanayaasha oo ayaa isku diyaarinayay furitaanka dacwadda ka dhanka ah, intii ay sugayeen qaadida dacwada ayeyna bilaabeen duubista gudaha xarunta Maxkamadda taasoo shaki ku dhalisay Garsooraha oo joojiyay dhegeysiga dacwadda markii uu ka war helay in labada eedeysane ay taleefanada casriga ah ku duubeen gudaha Maxkamadda, waxaana uu u yeeray Ciidanka la dagaallanka argagixisada oo xabsiga dhigay.

Qareenka u doodayay labada eedeysane Chacha Mwit ayaa ka codsaday Garsooraha in Dacwaddu sii socoto eedeysanayaashana aan la xirin balse Garsooraha ayaa ku gacan seyray.

Feruz Hamid Abubakar iyo Shamsa Abubakar ayaa hadda ku jira gacanta Ciidanka la dagaallanka argagixisada ee anti-Terror Police Unit iyadoo la baarayo sababta ay maxkamada filim uga qaadayeen.

Garsooraha ayaa amar ku bixiyay in dhegeysiga kiiska ka dhanka ah gabdhaha la isugu soo laabto maalinta Berri ah oo ay 31 tahay Bisha August.

Kenya ayaa waxaa faro kulul ku haya kooxda al-shabaab oo taageerayaal badan ku leh gobolada xeebta iyo bariga dalkaas, halkaasoo ay ka geystaan weeraro lala beegsado ciidamada amaanka Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -