Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kenya oo u yeeratay danjireedii Muqdisho, kuna amartay Safiirka Somalia inuu ka baxo dalkeeda

Dowladda Kenya ayaa u yeeratay safiirkeedii ka joogay magaalada Muqdisho, waxayna amartay safiirka Soomaaliya ee magaalada Nairobi inuu dalkeeda isaga baxo.

Amarkan ayaa goor dhoweyd kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya, sida shaacisay warbaahinta dalka Kenya, waxaana arrintan sabab looga dhigay in dowladda Soomaaliya ay ku xadgudubtay xududda Badda ee Kenya iyadoo tartan gelisay Bad ay leedahay dalka Kenya si shidaal looga baaro Soomaaliya.

Waa xaaladii ugu xumeyd ee diblomaasi oo soo dhex gasha dalalka Somalia iyo Kenya, iyadoo saacadaha soo socda la sugayo tallaabada ay qaado dowladda Somalia, waxayna Kenya ka mid tahay dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada “Dhismayaal Qurux badan oo loo dhisay Hay’addaha maaliyadda dalka

Cabdi Cade

La taliyihii Amniga Qaranka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Iscasilay

Cabdi Cade

Faahfaahino kasoo baxaya Madaafiic la isku weydaarsaday degmada Balcad

Caydiid Ali
Taboola Ads ---