Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada dil saakay ka dhacay Muqdisho

Kooxo hubeesan ayaa saakay Degmada Wajir ee gobolka Banaadir ku dilay nin magaciisa lagu sheegay Maxamed Timacade, waxaana goobta dilku ka dhacay ka baxsaday kooxdii hubeesneyd.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada dilkan ka dhacay Degmada Wadajir, waxa ayna sheegeen Al Shabaab ninka ay dileen in uu ahaa sargaal tababare u ahaa ciidanka dowlada Soomaaliya.

Saraakiisha laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaa wali ka hadlin dilkan saakay ka dhacay magaalada Muqdisho, mana jirto cid kale oo xaqiijisay ninka saakay la dilay in uu ahaa tababare ciidan.

Al Shabaab ayaa magaalada Muqdisho ka fulisa dilal qorsheesan oo loo geesto Ciidamo iyo shaqaalo katirsan dowlada Soomaaliya, waxaana inta badan baxsada dhalinyarada inta badan dilalka fuliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamulka G/Banaadir oo Banjarinaya Gaadiidka Wadooyinka lagu dhax dhaqo (Sawirro)

Cabdi Cade

Ilhan Cumar oo ka carootay sida Booliiska ula dhaqmeen banaan baxayaasha Minneapolis

Cabdi Cade

Abu Mohammed al-Golani oo eedeyn culus u jeediyey Israel

Caydiid Ali
Taboola Ads ---