Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Madaxweyne Xaaf oo si kulul uga hadlay Weerarkii saaka ka dhacay Gaalkacyo

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug  Axmed Ducaalle Xaaf ayaa markii ugu horeysay ka hadlay weerarkii saaka ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

“Anigoo ku hadlaya magaceyga iyo ka shacbiga Galmudug, waxaan tacsi u dirayaa Eheladii, Qaraabadii & Asxaabtii ay ka baxeen dadkii saaka lagu laayay weerarkii ay Al-shabaab la beegsatay Magaalada Gaalkcayo” ayuu yiri Madaxweyne Xaaf

Madaxweynuhu waxaa uu weerarkaas ku tilmaamay mid laga xumaado isagoo boggaadiyay ciidamada ammaanka Galmudug oo si dhaqsi leh u soo afjaray, isla markaana nolosha ku qabtay mid ka mid ah raggii weerarkaasi fuliyey.

Xaaf ayaa faray laamaha amniga inay xoojiyaan dadaalkoodu ku aadan xaqiijinta Nabadgalyada, kana hor tagaan kooxo uu ugu yeeray nabadiid.

Ku dhawaad 20 ruux oo uu ku jiro Sheekh Cabdiweli Cilmi Yare iyo labo caruurtiisa ka mid ah ayaa lagu dilay weerarkan oo isugu jiray is qarxin ah iyo weerar toos ah oo lagu bartilmaameed saday xarunta wadaadkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Khilaaf hor leh : Camey oo caawa magacaabay Guddi kale oo qaabilsan Ansixinta iyo Xalinta Khilaafaadka Golaha…

Cabdi Cade

Duqeymo culus oo lagu garaacay goobo ay kooxda Al Shabaab joogeen

Cabdi Cade

Miinooyin la sheegay in laga keenay Eritrea oo Muqdisho laga soo dejiyay iyo cida lala beegsanayo oo …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---