Shiikh Shariif oo walaac ka muujiyey qadiyadda Jareer Weyne & kiiska Jen. Sheegow

Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Shiikh Axmed ayaa walaac xoogan ka muujiyey qadiyadda Beesha Jareer Weyne iyo kiiska Janaral Sheegow siday isku dhaxgaleen.

Shariif oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in qaabka loo soo xiray Jen. Sheegow ay aheyd mid aan laga fiirsanin oo abuurtay inay kiciso caadifadda beesha oo idil.

HOOS KA AKHRISO QORAAL UU SOO SAARAY SHIIKH SHARIIF

Waxaan aad uga walwalsanhay qadiyadda Beesha Jareer Weyne iyo kiiska Janaral Sheegow siday isku dhaxgaleen.

Janaraalka Dambi wuu gali karaa waa insaan laakin habka so xiristiisa uma muuqanin hab ka fiirsasho leh! Taas waxay sababtay khatar xooggan iyo inay kiciso caadifadda beesha oo idil.

Odayaasha iyo waxgaradka beesha Jareer weyne oo ila soo xariiray waxay ii sheegeen in aysan isku imaan karin, gaari raaci karin xitaa aroos dhigankarin oo Askarta dowladda kala dirayso si faquuq lehna ula dhaqmaayan! Loona diidan yahay xuquuqdooda asaasiga ah ee muwaadinnimo.

Cabashada Beesha Jareer Wayne walwal xooggan ayay igu dhalisay waxayna dhawac wayn ku tahay wadajirka bulshada Soomaaliyeed waxaan rajaynayaa in fiiro gaar ah loo yeelan doono.

- Advertisement -