Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo Cafis u fidisay Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda Somalia

Magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland waxaa gaaray Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar, kadib markii cafis u fidisay Xukuumada Soomaaliland.

Sida aan Wararka ku helnay maamulka Somaliland gaar ahaan Madaxweynaha maamulkaasi Muuse Biixi ayaa cafis u fidiyay siyaasigan horey xilal kala duwan uga soo qabtay Dowladii KMG aheyd.

Siyaasiga Maxamed C/llaahi Oomaar  oo sidoo kale soo noqday Ra’isul Wasaare ku xigeen ayaa la sheegay in  uu ka tanaasulay aragtidiisii Soomaali weyn hadana uu taageersan yahay qadiyada madax banaanida Soomaaliland.

Ma ahan Siyaasigii ugu horeeyay ee xil sare kasoo qabta dowlada Soomaaliya ee dib ugu laabta Hargeysa kana laabta aragtidooda Soomaali weyn, waxaa sidan oo kale horey ugu laabtay Hargeysa Ismaaciil Hurre Buubaa iyo siyaasiyiin kale oo caan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Biyo Mareen loo sameeyay Wado kutaala Muqdisho oo xariga laga jaray (Sawirro)

Cabdi Cade

Banaan bax saakay ka socda Muqdisho iyo Ra’isul Wasaare Kheyre oo baaq loo diray

Cabdi Cade

Doorashada Kursi ka banaan Baarlamaanka oo ka socotay Muqdisho oo Foodo kusoo dhamaatay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---