(Sawirro) Guddi loo xilsaaray Baaritaanka dhacdadii Tuulada Gololey oo gaaray Balcad

Waxaa maanta shaqadooda si rasmi ah u bilaabay Gudiga xaqiiqo raadinta ee Madaxweynaha Hirshabeelle Mohammed Abdi Waare uu u xil saaray baarista cidii ka dambeeysay falkii foosha xumaa ee ka dhacay deegaanka Gololey ee Degmada Balcad.

Wasiirka Amniga gudaha Hirshabelle Mohamed Kheire oo ka mid ah guddiga ayaa sheegay iney kulamo la qaateen maamulka iyo saraakiisha amaanka degmada Balcad, ayna warbixin xaqiiqo ah ka soo saarin doonaan baaritaanka marka uu dhamaado.

“Waxaan Maanta soo gaaray Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe oo aan u imid arintii Xaqiiqa raadinta aheyd ee Dhacdadii aadka u xanuunka badneyd ee lagu xasuuqay shaqalahii Heyadda Zamzam ee ka hool galayaay MCH degaanka Gololeey.

Xubnaha guddiga ayaa lagu wadaa iney gaaraan saacadaha soo socda degaanka Gololey oo ah halka uu ka dhacay xasuuqa loo geystay dhalinyarada dhaqaatiirta aheyd ee ka howlgalaysay isbitaalka degaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -