Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada dowlada & kuwo Maraykan ah oo Al-Shabaab kala wareegay degaano cusub

Ciidamada Kumandoska Soomaaliya oo ay wehliyaan kuwa Maraykanka ayaa saaka weeraray degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose oo ay maamulayeen Al-Shaabab.

Howlgalladaas ayaa waxaa la sheegay iney ciidamadu kula wareegeen Degaanka Mubaarak ee gobolka Sh/hoose halkaasoo ay gacanta ku hayeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo halkaas isaga baxay iyagoo aan sameynin iska cabin adag.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in xiisado dagaal ay ka jiraan degmada Aw-dheegle oo ay gacanta ku hayaan Al-shabaab, iyadoo ciidamada dowlada iyo kuwa Maraykanka ee taageeraya ay halkaas ku wajahan yihiin.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa waxay sheegeen in Al-Shabaab ay goordhow isaga baxeen degaanka Doon-buraale oo hoostaga degmada Qoryooley.

Ciidamada dowlada ayaa la soo sheegayaa iney haatan baaritaano ka wadaan degaanka Mubaarak, iyagoo baadi goobaya xubno ka tirsan Al-shabaab oo ay tuhunsan yihiin iney gudaha degaankaas ku dhuumanayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wiilka madaxweyne Joe Biden oo qiranaya Saddex Dambi oo lagu soo oogay

Cabdi Cade

Masuuliyiin iyo Taliyaal maanta dhiiro-gelin ugu tagay ciidanka Haramcad (Sawirro)

Cabdi Cade

Suldaanka Beesha Muddulood ee Gobolada Jubooyinka oo la caleemo saaray (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---