Ku dhowaad 30 qof oo ku dhimatay howlgal lagu soo qabtay Ovidio Guzman (Sawirro)

Sagaal iyo toban qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxaha burcadda ah iyo 10 askari oo milateri ah ayaa lagu dilay howlgal lagu soo qabtay madaxa ka ganacsiga daroogada ee Mexico Ovidio Guzman ee waqooyiga gobolka Sinaloa, wasiirka gaashaandhigga Luis Cresencio Sandoval ayaa sheegay.

Ciidamada ammaanka Mexico ayaa qabtay Guzman, oo 32 jir ah, ahna wiil uu dhalay boqorka daroogada caalamka oo xabsiga ku jira Joaquin “El Chapo” Guzman,.

Ovidio Guzman waxaa diyaarad helicopter ah looga soo qaaday gurigii lagu qabtay waxaana loo duuliyay magaalada Mexico City, ka hor inta aan la geynin xabsiga ugu sareeya ee federaalka, ayuu Sandoval ku daray.

21 qof oo kale ayaa la xiray intii ay socdeen howlgalladii, Sandoval ayaa ku sheegay shir jaraa’id, isaga oo intaa ku daray in aysan jirin warar sheegaya in dad rayid ah ay ku dhinteen.

Madaxweyne Andres Manuel Lopez Obrador ayaa sheegay in aysan jirin qorshe degdeg ah oo lagu doonayo in Ovidio loogu gacan geliyo Mareykanka, halkaas oo aabbihii uu ku ku xiran yahay ka dib markii la soo gacan geliyey sanadkii 2017 maxkamadda New York ayaan ku xukuntay xabsi daa’in.

Amniga ayaa la xoojiyey magaalada Sinaloa, oo ku taal xeebta Baasifigga ee Mexico, si loo ilaaliyo dadweynaha, iyadoo 1,000 askari oo dheeraad ah ay u safrayaan gobolka maanta.

Rakaabkii saarnaa duulimaadka rakaabka ee Aeromexico ee gegida diyaaradaha ee Culiacan ayaa hoos u jiifsaday kuraastoodii iyadoo rasaastu ay ka dhacaysay hareeraha dhabbaha ay diyaaraduhu ka duulaan intii uu socday howlgalka

“Markii aan dardargelinaynay duullaanka, waxaan maqalnay rasaas aad ugu dhow diyaaradda, markaas ayaan dhammaanteen isku tuurnay dabaqa,” ayuu yiri David Tellez oo rakaab ah. Aeromexico ayaa sheegtay in mid ka mid ah diyaarada ay rasaas ku haleeshay balse aysan jirin cid wax ku noqotay.

Ciidamada ammaanka ayaa waxay sanadkii 2019 muddo kooban xireen Ovidio, taasoo kicisay dibed baxyo rabshado wata oo kaga imanayay kooxaha daacadda u ah, waxayna horseedday mas’uuliyiinta inay si degdeg ah u sii daayaan isaga si ay uga hortagaan halista aargudasho dheeraad ah oo uga imanaysa gacan-yarayaashiisa.

Qabashada ninkan ayaa ku soo beegantay ka hor shir madaxda Waqooyiga Ameerika ay ku yeelanayaan magaalada Mexico toddobaadka soo socda, kaasoo uu ka qeybgeli doono madaxweynaha Mareykanka Joe Biden. Ajendaha ayaa ah in laga wada shaqeeyo amniga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -