Allbanaadir.com
NEWS

Meydadka dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo laga helay degaanka Katulo

Saraakiisha Booliska Kenya ayaa sheegay inay heleen meydadka sadex dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab kuwaasoo la tilmaamay inay ku dhinteen weerar ay ku qaadeen saldhig booliska ku leeyihiin meel ku dhow Magaalada Wajeer.

Taliyaha Booliska gobolka Wajeer Stephen Ngetich ayaa sheegay in sadexda dagaalyahan ay ku dhinteen dagaal socday laba saacadood oo u dhaxeeyay Al-shabaab iyo ciidamada Kenya oo ka dhacay saldhiga booliska ee Kutulo maalmo ka hor.

Taliyaha ayaa xusay iney ku raad joogaan dagaalamayaal kale oo Al-shabaab ka tirsan kana qeyb qaatay weerarkaas ay u baxsadeen dhinaca Keymaha.

Stephen Ngetich ayaa tilmaamay inay isku baahiyeen dhinaca xuduuda Kenya iyo Soomaliya si loo dabagalo kooxdii kale ee ka baxsatay weerarkaasi.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

War Deg Deg Ah: Madaxweyne Shariif Xasan Shiikh Aadan oo goordhaw shaaca ka qaaday in uu…

Cabdi Cade

(Sawirro) Guddoomiyaha Golaha shacabka oo la kulmay wakiilada Beesha caalamka

Caydiid Ali

Dowladdo si weyn uga carrooday falkii foosha xumaa ee lagu gubay Kitaabka Qur’aanka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---