Allbanaadir.com
NEWS

Hotel Caan ah oo dhoor bilood Xabsi ahaa oo dib loo howl galiyay

Waxaa dib loo howl galiyay sidiisii horana lagu soo celiyay Hotelka caanka ah Ritz-Carlton oo bilo kahor loo badelay xabsi lagu xiro amiirada iyo Hantiilayaasha u dhashay Boqortooyada Sacuudiga.

Hotelkan ayaa mudo sadex bilood ahaa xabsi ay ku xirnaayeen Amiiro, Hantiilayaal iyo dad kale oo caan ah, dadkaan ayaana la xiray intii uu socday howlgalkii lagula dagaalamayay Musuq maasuqa.

Sadex bilood kadib ayaa Hotelka Ritz-Carlton waxa lagu soo celiyay sidiisii hore, waxaana hotelkan uu yahay mid aad u qurux badan , waxa uuna yahay mid kamid ah Hoteelada ugu raaxada wanaagsan uguna qaalisan Sacuudiga.

Hotelkan ayaa waxaa lagu xiray Boqolaal qof oo isugu jiray Amiiro iyo Tujaar, waxaana dadkii ku xirnaa Hotelkan dib u heleen xuriyadooda kadib markii laga qaaday lacag ka badan hal bilyan oo Dollar oo qaab madax furasho ah oo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo Baaq muhiim ah u diray Daneeyaasha Galmudug

Cabdi Cade

Digniin adag oo laga bixiyey dhulgarir culus oo ku soo wajahan Magaalada ….

Caydiid Ali

Shaqsigii bixiyey qishka Imtixaanka Dugsiyada Sare oo la shaaciyey, lana xiray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---