Shaqsigii bixiyey qishka Imtixaanka Dugsiyada Sare oo la shaaciyey, lana xiray

Taliyaha Booliska Soomaaliya Bashiir Cabdi Maxamed Ameriko ayaa sheegay in shaqsi lagu tuhmaayo inuu bixiyay qishka Imtixaanaadkii Dugsiga Sare ee dalka la soo xiray, haatana uu ku socdo baaritaan.

Ninkan ay boolisku xireen oo ka tirsan shaqaalaha qeybta imtixaanaadka ee Wasaarada Waxbarashada ayaa magaciisa lagu sheegay  Jamaaludiin Xasan Xersi oo 29 jir ah sida uu sheegay Gen. Ameriko.

Taliyaha ayaa xusay in eedeysanaha loo gudbin doono maxkamad si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan marka uu dhamaado baaritaanka socda.

Shaqsiyaad kale oo lala xiriirinaayo inay wax ka ogaayeen bixinta qishkii imtixaanaadka ee dowladda ayuu sheegay iney ku socdaan baaritaano iyo dabagal.

Wasaarada Waxbarashada ayaa joojisay isniintii imtixaankii dugsiyada sare ee dalka oo socday muddo saddex cisho ah ka dib markii la bixiyey qishka imtixaanka, ardayda intooda badana ay heleen, waxaana arintaas ka dhashay banaanbaxyo iyo hadal heyn badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -