Dad badan oo loo xiray ka ganacsiga Xayawaanka Diinka (Daawo Muuqaal)

Ciidamada amaanka maamulka Somaliland ayaa xabsiga dhigay sagaal qof oo la sheegay in ay ku howlanaayeen ka ganacsiga xaawaanka Diinka oo sharci daro ka ah Deegaanada Somaliland.

Wasiirka wasaaradda Deegaanka Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo maanta Warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in la qabtay 9-qof iyo gaadiid ay wateen kuwaa oo ay sheegtay in ay ku howlanaayeen ka ganacsiga Diinka.

Waxa ay sheegtay Wasiirka in Deegaanada Somaliland mamnuuc ka tahay ka ganacsiga xayawaanaadka duur joogta sida diinka , waxa ayna tilmaantay cidii lagu qabta ka ganacsiga duur joogta in tilaabo sharci ah laga qaadayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -