Digniin adag oo laga bixiyey dhulgarir culus oo ku soo wajahan Magaalada ….

Khabiirka dhulgariirada ku takhasusey ee Dr. Naji Gurur ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ka digay suurogalnimada dhulgariir cabirkiisu ka sareeyo 10 magnitude oo ka dhaca Magalada Istanbul.

Dr. Naji Gurur oo ka mid ah Macalimiinta Jaamacadda Farsamada ee Istanbul ahna khabiir ku takhasusey dhul gariirada ayaa sanadkii 2020 ka digay in Turkiga uu ku soo socdo dhul gariir xoogan gaar ahaan Kahramanmaras, oo dhawaan dhul gariirkii ugu cuslaa taariikhda ka dhacay.

Markale maanta ayuu soo laabtey Dr Naji Gurur, isagoo ka digaya in magalada Istanbul ay wajihi doonto laba dhulgariir uu culus oo darajadoodu ka sareyso 10 magnitude, wuxuu ugu baaqay dowlada in laysku diyaariyo sidii loo yareyn lahaa khasaaraha dhul gariiradaas ka dhalan kara.

Digniintan ayaa ku soo aaday iyadoo Turkiga uu sii wado la tacaalidda dhibaatadii ka dhalatay dhulgariirkii mataanaha ahaa ee 6-dii bishii February ka dhacay gobolka koonfureed ee dalkaasi.

Ugu yaraan 44,000 kun qof ayaa ku dhintay dhulgariirradaas oo cabbirkooda kal ahaa 7.7 iyo 7.6., waxaana xigay dhulgariiro kale oo yar yar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -