Allbanaadir.com
NEWS

Heyaddo caalami ah oo digniino ka soo saaray halis ku soo fool leh Soomaaliya

Magaalada London ayaa lagu wadaa in lagu qabto shir ku saabsan arrimaha bani’aadanimada Soomaaliya, kaasoo lagu lafa gurayo dhibaato kusoo fool leh dad gaaraya 2.7 million oo Soomaali ah.

Hay’adda arrimaha Qaxootiga ee laga leeyahay Norway ee NRC ayaa ka digtay in haddii aan gargaar deg deg lala soo gaarin dadkaasi ay horssedi karta xaalad macluul oo mar kale Soomaaliya ku habsata.

”Bulshada Caalamka ayaa kal hore badbaadisay kumanaan kun oo qof oo ay soo food saartey abaar sanadkii hore, iyagoo sameeyey kahor tag inta aaney faraha kabixin xaaladdu”, ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay hay’adda.

Dalka Soomaaliya ayaa sanadkii hore waxaa ka dhacey abaar daran, halka sanadkanna dad gaaraya 2.7 million ay ku jireen xaalad deg dega, maadaama aaney helin quutul duruuriga maalinlaha ah.

Hey’addaha gargaarka ayaa doonaya in looggu yabooho $1.5 billion lacag gaareysa, si ay u fidiyaan barnaamijyo muddo socda oo lagu kaalmaynayo bulshada, si looga hortago in dhibaatooyin kale dhacaan.

Caruur lagu qiyaasay 300,000 oo ay da’doodu ka yar tahay shan sano jir, ayaa waxaa haysata macluul.

”Inkastoo ay jirto abaar, haddana waxaa dhanka kale jira amni darro taasoo xaaladda uga sii dartey. In ka badan 1.1 million oo qof ayaa guryahooda isaga cararey kadib markii uu saameeyey dagaalo ay keeneen macluusha iyo abaarta” ayay tiri NRC.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

Related posts

Madaxweyne Deni & wafdi uu horkacayo oo Muqdisho soo gaaray (Sawirro)

Caydiid Ali

Guddiga Doorashada maamulka Somaliland oo War cusub soo saaray

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in Jen. Xuud uu diyaarinayo weerar uu kula wareegayo Belad-weyne?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---